Sawiro: Wefti uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Xisbiga UCID oo Booqasho ku tagey Magaalada Burco

Text Size

Burco, (sli)- Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid Mudane eng Faysal Cali Waraabe iyo Wafti uu hogaaminayo ayaa Saaka soo gaadhay Magaalada Burco halkaas oo ay isku soo baxeen Taageerayaasha Xisbiga UCID.




Waxaa safarkan ku wehelinayey Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamuuriyada Somaliland, Xubno ka mid ah Baarlamaanka Somaliland iyo Gudoomiya Xigeenka Xisbiga Mucaaradka ee Ucid.

Ugu horayntii waxa ka hadlay Gudoomiyaha xisbiga UCID Mudane eng Faysal Cali Waraabe "waxa uu mahad naqay sida fiican ee ay soo dhaweeyaan Taageerashaaysa Xisbiga Ucid waxa kalee u sheegay Gudoomiyahu haddii aynu Ku Guulayso Doorashada Dalka ku soo Foole oo isku Duubaano oo adkayno Midnimada waxay ku Guulaysanaynaa Doorashada waxa kalo uu sheegay in aynu Ilaalino Nabad galida haddi aan ku guulayso in Dalka is badal ka dhici doono" waxa uu sheegay in Dalku u baahanyahay wayan Xisbigu ku Guulaysan doono Doorashad Waxa kalo uu sheegay in Safarkan uu ku gaadhi doono ilaa Ceerigaabo.


Sidoo kale waxa halkaa ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Jumuuriyada Sland mudane C/raxmaan Ciro waxaanu yidhi "intii aan odhan lahaa waxa yidhi Gudoomiyaha waxaanan u soo jeedinayaa Taageerayaasha Xisbiga Ucid in ay dhawraad Nabad galida Qof wal oo umaadin ah ka saarantahay Musuul in uu Ilaaliyo Nabad galiya iyo Xasiloonida waxa kaloo uu mahad naqay Taageerayasha.


Waxa kaloo halkaa ka hadlay Gudoomiye ku Xigeenka Xisbiga ucid mudane;Aadan Mire Waqaf waxa mahad naqay sida fiican ee ay noo soo dhaweeyaan waxa yidhi "waan in aynu Gacmaha is qabsano si aynu Guul u gaadho".


Si kastaba ha’ahatee maaha markii ugu horaysay ee lagu soo dhaweeyo Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka eeUcid Gobolada Somaliland Dhaamadkii Bishii Inaga Dhaaftay markii sidan si lamid ah lagu soo dhaweeyey magaalad Hargaysa.

Burco

Post new comment