"Somaliland waxaa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato, Canshuurtana lagu Naas-Nuujiyo" Cali Khaliif Galaydh

Text Size

“Xalka Soomaaliya in ay Hargeysa ka mid noqon karto ayaan qabaa, inta marba Gogol la dhigi lahaa meel aan dalka, dhaqankii iyo dadnimadii aanay oolin oo lagu qabanayo Shirar, in Hargeysa lagu qabto ayaa wax badan uga suurtogalsan Laakiin, waa haddii rag ka fikiraan oo iyaga oo is-cunsiinaya danta Somaliland iyo danta Umadda Soomaaliyeed ee kale lagala hadlo.” Cali Khaliif Galaydh



Hargeysa, (sli)- Ra'iisal-Wasaarihii Dawladdii Carta ee Soomaaliya Cali Khaliif Gallaydh, ayaa sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro in Somaliland lagala hadlo sidii Shirweyne loogu qaban lahaa Hargeysa, iyada oo la waafajinayo danaha Somaliland, isla markaana sheegay in maamul-gobolleedka Puntland uu u ordayo sidii uu uga go'I lahaa Koonfurta Soomaaliya.

Cali Khaliif Gallaydh wuxuu dhaliilay hab uu sheegay inay ka jirto Somaliland iyo Maamul-gobolleedka Puntland, taas oo la xidhiidha in lacag lagu qaato Ciidan aan jirin oo Mushahar loo qoro. “Somaliland iyo Puntland waxa jira Ciidamo aan jirin oo Lacag lagu qaato.. Miisaaniyadda Somaliland ma arag sanadkii ilaa labadii sanno ee u dambeeyay oo malaha maba jiro, laakiin way jirtaa Ciidankaas oo dadka ayaa lagu naas-nuujiyaa. Miisaaniyadda Puntland-na waan ogahay oo iyana way ka jirtaa.” Ayuu yidhi Cali oo isaga oo ku sugan magaalada London Waraysi khaas ah xalay siiyay Telefishanka UNIVERSAL.

Cali Khaliif Gallaydh wuxuu sheegay in Xalka Soomaaliya uu ku jiro in iyada oo Somaliland danaheeda la fulinayo Umadda Soomaaliyeed ee Koonfurta Shirweyne loogu qabto Magaalada Hargeysa. “Meelaha qaarkood laga raadinayo xalka Soomaaliya in ay Hargeysa ka mid noqon karto ayaan qabaa, inta  marba Gogol la dhigi lahaa meel aan dalka, dhaqankii iyo dadnimadii aanay oolin oo lagu qabanayo Shirar, in Hargeysa lagu qabto ayaa wax badan uga suurtogalsan. Laakiin, waa haddii rag ka fikiraan oo iyaga oo is-cunsiinaya danta Somaliland iyo danta Umadda Soomaaliyeed ee kale lagala hadlo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif Gallaydh, waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Sababtoo ah, waynu ognahay Somaliland lafteeda ayaa dan leh oo uga baahi badan. Anigu waan ka qayb galay shirarkii Burco iyo Borama ee lagaga dhawaaqay Somaliland, hadda 19 sanno ayay maraysaa (jirtaa Somaliland). Markaas si dadka reer Somaliland u dan ah ha la yeelo.”

Cali Khaliif GalaydhCali Khaliif GalaydhMar uu Cali Khaliif ka hadlayay qaddiyadda Madax bannaani Somaliland hesho wuxuu sheegay in aanay ahayn in la qasbo, isla markaana wuxuu ka hadlay gobolka Sool oo uu sheegay in Xukuummaddu ka qaaday tallaabooyin isaga qalad ula muuqday. “Anigu ma qabo in cidna la qasbo. Laakiin, sidii aan u diidanaa Diyaaradihii iyo Ciidamadii garaacayay Hargeysa (waqtigii Siyaad Barre), ayaan u diidanahay waxyaabaha aragtidayda ka socda Laascaanood.” Ayuu yidhi Cali Khallif. Hase yeeshee, mar la waydiiyay in marka uu ka hadlayo Laascaanood ay tahay ujeedadiisu in uu u dhashay, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Maaha waan u dashay ee waxaan noqonayaa qof fikirka aan qabo (Soomaaliweyn) ay dhab ka tahay.” Waxaanu intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waagii hore waxaan ogaa Somaliland oo tidhi waan goosanay, Puntland laftiisa ayaanay ka madhnayn oo uga orod badan (Somaliland) in uu go'o. Waxaanan qabaa haddii dhulkooda ay nabad ka dhalinayaan (Puntland iyo Somaliland) oo aanay cidna wax ka qabin in loo daayo iyaga ayaa u faro-dhuudhuuban.”

Cali Khaliif wuxuu naqdiyay xidhiidhka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya. “Kornayllo Itoobiyaan ah ayaa dhex fadhiya Garowe iyo Hargeysa, Koonfurtana iskaba daa hadalkooda. Kuwaasina mid iyo laba toona maaha. Kama hadlayo oo in xidhiidh la yeesho lama diidin, gaar ahaan in Somaliland xidhiidh ka raadiso Itoobiya waa wax aan garan karo, laakiin waxa ii muuqata in wixii ay Soomaalidu lahayd ay meesha ka baxdo.” Ayuu yidhi Cali Khaliif.

Gebogebadii, Cali Khalliif oo wax ka dhiga Jaamacad, ayaa mar la waydiiyay in uu Siyaasadda ka baxay iyo in kale, ayaa wuxuu sheegay hadda uu hawl-gab yahay, isla markaana uu kaba fadhiistay Macallinimada Jaamacadda. “Siyaasadda Soomaalidu Albaab laga galo ayay leedahay ee Albaab laga baxo ma leh oo meel uun baa la dhex wareegaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Cali Khaliif.

Barkhad M. Kaariye
Hargeisa, Somaliland

taageero

cali khaliif wa siyaasi somaliyeed uguna dadah waayn siyaasiyiinta somalida ah ugunah smart san in terms of political matters, markaa waan tageerayaah whatsoever

Anonymous | March 11, 2010 - 8:40pm

Post new comment