Madaxweynaha Somaliland oo sheegay in doorashada Somaliland wakhti badan qaadan doonto
Hargeysa, (sli)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kahin oo sheegay in doorashada Somaliland wakhti badan qaadan doonto madaama aanu diyaar aheyn Xeerkii lagu soo dooran lahaa labada gole ee barlamaan, madaxweynahuna uu soo jeediyey in talo Qaran laga yeesho xeerka Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada sidii ay doorasho Xalaal ah uga dhaci laheyd.
Hadaba Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa arintaa ku sheegay mid daciif ah oo uu madaxweynuhu ku doonayo inuu Wakhtiga ku dheereysto ama aysan dhacin doorashada Somaliland hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa "Horta waxa ayaan daro ah sidii qof suuqa jooga oo iska caadi ah sidii uu wax u waydiin lahaa inuu madaxwayneheenii uu dadka wax u waydiiyo anigu ma garanayo marka uu leeyahay xeerkii doorashada golaha wakiiladu diyaar maaha, xeerkii golaha guurtiduna diyaar maaha anigu ma garanayo cida uu waydiinayo xeerarkaasi ee xukuumada dalka ayaa ka masuul ah inay diyaariso doorashada iyo nidaamkeeda, hase yeeshee ujeedada uu ka lahaa markii uu ka hadlayey xeerka doorashada wuxuu doonayey in la isa saaro doorashooyinka madaxtooyada."
Afhayeenka isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi" Distuurku waxa uu dhigayaa in doorashada golaha wakiiladu ay toos tahay mudada xilkooduna ay tahay mudo shan sano ah, hase yeeshee isagu mudadii xilka shanta sano ee la doortay ee dib u dhacu ku yimid doorashada madaxtooyada isagu haka waramo, ujeedada hadalkiisii ku wajahnaa xeerarka doorashada labada gole baarlamaan ee uu lahaa ha laga wada tashado waxa laga soo xigtay xubno ka tirsan golihiisa wasiirada in ujeedadu ahayd inuu ku doonayey sidii doorashada wakiilada iyo madaxtooyada la isku raacin lahaa sida dalka South Africa oo kale,
madaxwaynuhu waxa aanu ka jawaabi karayn sababta doorashadiisu ay sadexda sano usoo mudo dhaaftay, xeerka doorashada golaha guurtida ee laalan ilaa 1997-kii ilaa maanta marna uu madaxwayne ku xigeen ka haa dalka marna madaxwayne uu ka ahaa mar kaliya kamuu hadal xeerkaasi laalan, waxaana ku ceeb ah dalka iyo dadka gole dhan oo sharci dajin ah oo xeerkiisii lagu soo dooran lahaa aanu ilaa hada dajinsanayn, waxaanay ka mid tahay ayaan darooyinka dalka haysta distuurka uu madaxwaynaha ku yahay ee xaga danbe kaga qoran tahay xeer baa qeexi doona, xeerka doorashada golaha wakiiladana waxaan qabaa in mudo ku filan ay ku soo saari karaan golayaasha sharci dajintu" Afhayeenka xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed.
Somalilandinfo.com
La soco Dhacdooyinka ka socda Somaliland...
Related News
- Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland : 29 Jul 2010 - 15:45
- Dhanxiir Muxuu ka yidhi Xil la kala wareegi Rayaale iyo Silanayo & Wasiirada cusub? : 29 Jul 2010 - 13:22
- Hogaamiyaha ururka Al-shabaab u Qaabilsan Puntland iyo Bariga Sanaag oo markii ugu horeysay ka hadlay dagaalkii Puntland : 29 Jul 2010 - 13:13
- Boqor Buur-madow oo Madaxweyne Sheekh Shariif ugu baaqey inuu iskaga dego Xilka maadaama uu shacabka u soo Kireystey Ciidamo : 29 Jul 2010 - 11:54
- Reer Boorama oo Saluugay Saami Qaybsiga Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub : 29 Jul 2010 - 10:50
- Xisbiga Udub oo Ka Hadlay Golaha Wasiirada ee Xukuumada Cusub Halka Ucidna Ka gaabsaday : 29 Jul 2010 - 10:44
- 40 ka mid ah Ciidmada Somaliland iyo Gaadiidkoodii oo ka Goostay Somaliland una gudbay Puntland : 29 Jul 2010 - 10:37
- Mudaharaad aad loo soo Abaabulay lana garaneyn cida soo Abaabushey oo lagaga soo horjeedo Xukuumada Cusub Calankii Soomaaliyana. : 29 Jul 2010 - 10:15
- Madaxweynaha oo magacaabey Xil Cusub, Lana Dardaarmey Wasiiradiisa Cusub : 29 Jul 2010 - 09:58
- Taliyihii Qaybta Boliiska ee Gobolka Sool oo Xilkii ku Wareejiyey Taliye Cusub : 28 Jul 2010 - 19:58























Post new comment