Cashirkii Taxanaha ahaa iyo الجهاد في سبيل الله - Jihaadka Xaqa ah Qaybtii 44-aad by Saeed Ibrahim Hussein
Jihaadka xaqa ah: Jihaadka dar Alle loo galo ee xaqa ahi waa ka Alle ogol yahay ee loo jideeyey muslimiinta, ma aha mid khilaafsan sida diintu inoo dhigtay ee ay ina bartay.
كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَ هُوَ كُرْهٌ لَّكُمْ وَعَسَى أَن تَكْرَهُواْ شَيْئًا وَ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَعَسَى أَن تُحِبُّواْ شَيْئًا وَ هُوَ شَرٌّ لَّكُمْ وَ اللّهُ يَعْلَمُ وَ أَنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ (البقرة)
Aayadda: waxa la idiin dhigay, oo la idinku waajib yeelay dagaalka (Jihaadka), isagoo karah, iyo dhib idinku ah, waxa la arkaa, in shey aad kar-haysaan uu khayr idiin yahay oo waxa la arkaa, in shey aad jeceshihiin uu shar idiin yahay, Alle ayaa og oo idinku ma ogodin oo ma garanaysaan. Jihaadka xaqa ah ee la ina amray waa ka kelmedda Alle lagu kor qaadayo ee lagu difaacayo Islaamka ee dulmiga iyo caddaalad darrada lagu joojinayo:
سئل رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الرجل يقاتل شجاعة ، ويقاتل حمية ، ويقاتل رياء ، أي ذلك في سبيل الله ؟ قال :"من قاتل لتكون كلمة الله هي العليا ، فهو في سبيل الله"
Xadiiska:waxa Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,la weydiiyey;nin u dagaallamaya geesinimo,oo u dagaallamaya reernimo iyo qabyaalad, oo u dagaallamaya is tusnimo,kee ayaa intaa dar Alle u dagaalamaya?,waxa Rasuulka Alle yidhi:ka u dagaallamaya si kelmedda Alle u ahaato ta sarraysa,ayaa jidkii Alle ku taagan,oo dar Alle u jihaadaya.
Waxa fiican in aynu si cad u qeexno,oo u garano Jihaadka xaqa ah,ee Alle ogol yahay, waxa lala dagaalamayaa,oo lala jihaadayaa,dadka gaalada ah,ee iyagu kula jira Islaamka dagaalka ee,wada fidnada iyo fasahaadka Arlada,oo Islaamku waa diin cadaalad ku dhisan,oo cid aan Islaamka dagaal kula jirin,laguma xadgudbi karo,oo kufaarta Islaamka la dagaallamaya keliya,ayaa lagu jihaadayaa:
وقاتلوا في سبيل الله الّذين يقاتلونكم ولا تعتدوا إنّ الله لا يحب المعتدين واقتلوهم حيث ثقفتموهم واخرجوهم من حيث أخرجوكم والفتنة أشدّ من القتل(البقرة)
Aayadda:ula dagaallama waddada Alle(Jihaadka),kuwa idinla dagaallamaya,oo ha xadgudbina,Alle ma jecla kuwa xadgudba'e,oo laaya meeshii aad ka heshaanba,oo ka saara meelihii ay idinka saareen,fidnadu way ka daran tahay,oo ka xun tahay dagaalka'e.
Waxa loo banneeyey dadka gaaladu dulmiyayso in ay dagaallamaan,oo xaqooda dhacsadaan,oo jihaadka galaan:
أذن للّذين يقاتلون بأنّهم ظلموا وإنّ الله على نصرهم لقدير الّذين أخرجوا من ديارهم بغير حقّ إلا أن يقولوا ربّنا الله (الحج)
Aayadda:waa loo idmay,oo loo ogolaaaday,kuwa dagaallamaya waayo waa la dulmiyey,oo Alle waa awoodaa gargaarkooda,iyo guushooda,kuwa laga saaray guryohoodii,si aan xaq ahayn looga saaray,in ay yidhaahdeen mooyee Rabbigayo waa Alle.
Jihaadka xaqa ah,ee loo gelayo in Islaamka lagu difaaco,oo kelmedda Alle kor ahaato:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"ألا أخبركم برأس الأمر وذروة سنامه؟قلت بلى،قال:"رأس الأمر الإسلام ،وعموده الصّلاة،وذروة سنامه الجهاد"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee wuxuu yidhi;ma idiinka warramaa,madaxa amarka,iyo halka kuruskiisa ugu sarraysa?waxan ku idhi haa,madaxa amarku waa Islaamka,Tiirkiisuna waa Salaadda,halka kuruskiisa ugu sarraysaana waa Jihaadka.
Gaalada qaar baanay bannaanayn in la laayo,oo la dilo,waa kuwa aan dagaal kula jirin Islaamka,ee ama heshiis idinka dhexeeyo,ama aan colaad iyo dagaal Islaamka u hayn:
لا ينهاكم الله عن الذين لا يقاتلوكم في الدّين ولم يخرجوكم من دياركم أن تبرّوهم وتقسطوا إليهم إنّ الله يحب المقسطين (الممتحنّة)
Aayadda:Alle idiinma diidayo,in gaalada aan diinta idinkula dagaallamin,ee aan guryihiinna idinka saarin,in aad u dhibirsanaataan,oo caddaalad u samaysaan,Alle waa jecel yahay kuwa caddaaladda sameeya.
Iska daa qof ashahaadanaya oo muslin ah,in aad tidhaahdo jihaad baan la gelayaa,oo waan dilayaaye,qofka gaalka ah,ee aan Islaamka la dagaallamayn,ee tusaale ahaan muslimiinta heshiis la leh,dilkiisu waa denbi,oo qofna uma bannaana dilkiisu:
قال صلى الله عليه وسلم: "من قتل معاهداً لم يرح رائحة الجنة وإن ريحها ليوجد من مسيرة أربعين عاماً" أخرجه البخاري
Xadiiska:Rasuulku,sallallaahu calayhi wasalam,wuxu yidhi:qofka dila gaal mucaahid ah,ma urinayo Jannada urteeda,iyadoo Jannada urteeda laga dareemayo,meel afartan sanno loo socon karo.
Qof ashahaadanaya qofkii dila,ee hadduu doono ku doodaya in uu diinta ka baxay, dee nin ashahaadanayaa diinta kama bixin,oo ma jiro qof diinta sidii la doono looga saarayo,midna la odhanayo xaq buu ku taagan yahay,ma aha diintu wax aynu innagu ka masuul nahay amarradeeda iyo go'aannadeeda,ee Allihii soo dejiyey waa sida uu Isagu u dhigay,wixii ka hor yimaadda,ee sharci aan Alle dejin adeegsadaa iyagaa ka sheekayn Aakhiro,tani way dhamaanaysaa,cid kasti waxay kasbatay bay heli doonaan,
Sidoo kale qofkii qof muslin ah,u dila ula kac,waxa laynoo sheegay,inuu jahanama ku waarayo:
ومن يقتل مؤمنًا متعمدًا فجزاؤه جهنّم خالدًا فيها وغضب الله عليه ولعنه وأعدّ له عذابًا عظيمًا(النساء)
Aayadda:kii u dila qof muumin ah,si kas ah,oo ogaan ah,jasaa'igiisa iyo abaalkiisu waa Jahannama,oo uu ku waarayaa,Allena waa u cadhoonayaa,oo lacnadayaa,waxana Alle u diyaariyey cadaab weyn.
Laba kooxood oo muslin ahi,hadday dagaallamaan,waa fidno,oo mid kasti sheegto xaqa,in uu isagu ku taagan yahay,waxa ku dhaboobaya xadiiskii caddaynayey in laba muslin ah,haddii ay seefo iskala hor yimaaddaan,ka la dilay,iyo ka wax dilayba ay ehlu naar yihiin:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"إذا التقيا المسلمان بسيفيهما القاتل والمقتول في النّار"
Xadiiska:Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi: haddii laba muslin ay seefohooda ku kulmaan(dagaal)ka wax dilay,iyo ka la dilayba waa kuwo naarta gelaya.
Qof muslin ah dhiiggiisu waa kaa xaaran,isagoo diintiisa jecelna adigu kama saari kartid,oo caydiisu waa faasiqnimo aan bannaanayn,dilkiisuna waa gaalnimo:
قال رسول الله صلى الله عليه وسلّم:"سباب المسلم الفسوق وقتله الكفر"
Xadiiska: Rasuulka Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,waxa uu yidhi:
Cayda qofka muslinka ah,la caayaa,waa fisqi iyo denbi,dilkiisuna waa kufrinimo.
Waqtigan waxa aad u batay fidnada
,oo Adduunka aad uga soo shaac baxday,oo muslimiin is laynaysa,oo is gaalaysiinaysa ayaad arkaysaa,waa fidno,waa fidno,waxa Islaamku ina farayaa,haddii ay laba kooxood,oo muslimiin ahi is laayaan,in la dhex galo,oo la heshiisiiyo,Kitaabka iyo Sunnaha,ayaa inoo xukun ah,kooxda heshiiska diidda,dhinac baa muslimiinta oo dhammi uga soo wada jeesanaysaa,oo la dagaallamaysaa,ilaa ay xukunka Alle ka ogolaato,waa sharci diintu inoo dhigtay:
وإن طائفتان من المؤمنين اقتتلوا فأصلحوا بينهما فإن بغت إحداهما على الأخرى فقاتلوا التي تبغي حتى تفيء إلى أمر الله فإن فاءت فأصلحوا بينهما بالعدل وأقسطوا إن الله يحب المقسطين (الحجرات)
Aayadda: haddii ay laba kooxood oo muuminiin ahi is laayaan, heshiisiiya oo haddii kooxi diiddo heshiiska, la dagaallama ilaa ay amarka Eebbe u soo noqonayso, haddii ay soo noqoto si caddaalad ah u heshiisiiya, oo xaqsoor sameeya, Alle waa jecel yahay kuwa xaqsoorka sameeya'e.
Kaafirka ama gaalka dagaalka kula jira Islaamka,waa lagu jihaadayaa, oo naf iyo maalba waa loo hurayaa, oo waa jihaadka xaqa ah:
قاتل الّذين لا يؤمنون بالله ولا باليوم الآخر ولا يحرّمون ما حرّم الله ورسوله ولا يدينون دين الحق من الّذين أُتوا الكتاب حتّى يعطوا الجزية عن يد وهم صاغرون(التوبة)
Aayadda:la dagaallama kuwa aan Alle iyo Yowmul qiyaamaha rumayn,oo aan xaaraamayn waxa Alle iyo Rasuulkiisu xaaraan ka dhigeen,oo aan Diinta xaqa ah ka yeelan diin,ee ka mid ah Ehlulkitaabka(Kiristaanka iyo Yuhuudda) ilaa ay Jisyada bixiyaan iyagoo xaqiran oo hooseeya.
Waxa Alle ina baray,Jihaadka xaqa ah,ee si kelmedda Alle u korrayso loo galo:
يا أيّها الّذين ءامنوا هل أدّلّكم على تجارة تنجيكم من عذابٍ أليم تؤمنون بالله ورسوله وتجاهدون في سبيل الله بأموالكم وأنفسكم ذالكم خير لكم إن كنتم تعلمون يغفر لكم ذنوبكم ويدخلكم جنّاتٍ تجري من تحتها الأنهار ومساكن طيبة في جنّاتٍ عدنٍ ذالك الفوز العظيم(الصّف)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyow, ma idin tusaa tijaaro, ama ganacsi idinka badbaadinaya cadaabka kulul, Alle iyo Rusuulka ayaad rumaynaysaan,oo jihaadka Alle ee xaqa ah ayaad gelaysaan,oo maalkiinna iyo naftiinaba ku jihaad gelaysaan,sidaas ayaa idiin khayr badan,haddii aad og tihiin,oo garanaysaan,oo Alle waxa uu dhaafayaa denbiyadiinna,oo waxa uu idin gelinayaa Jannooyin,ay hoostooda webiyo socdaan,iyo guryo wanaagsan,oo Jannooyinka macaan ku yaalla,arrinkaasi waa guul weyn.
Fadliga iyo qiimaha uu leeyahay,Jihaadka jidka Alle loo galaa,waa mid sare,oo ka qaalisan Adduunkan aynu joogno,iyo waxa saaranba:
عن أنس بن مالك رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: لغدوة في سبيل الله، أو روحة خير من الدنيا وما فيها"
Xadiiska:Anas Ibnu Maalik,Alle ha ka raalli noqdee,waxa uu yidhi;Rasuulkii Alle nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,ayaa yidhi:kallihid,ama jarmaado,ama carraabo la qabto Jihaadka Alle,ayaa ka khayr badan,Adduunkan iyo waxa dul saaranba.
Waxa Islaamku ina farayaa,in aan gaalada Islaamka la dagaallamaysa,ee colka la ah Alle iyo Rasuulkiisa,in aan la dagaallanno,oo fidnada ay wadaan la joojiyo,waxa la sheegay in fidnadu,ay ka khatarsan tahay dagaalka,oo la baabi'iyo fidnada:
وقاتلوهم حتّى لا تكون فتنة ويكون الدّين كلّه لله فان انتهوا فإنّ الله بما يعملون بصير وإن تولّوا فاعلموا أنّ الله مولاكم نعم المولى ونعم النّصير(الأنفال)
Aayadda:la dagaallama ilaa iyo aanay ka jiraynin wax fidmo ahi,oo diintu dhamaan Alle u sugnaato,haddii ay ka waantoobaan,Alle waa arkaa,oo waa og yahay,waxa ay samaynayaan,haddii ay jeestaan,oo diidaan inay dagaalka iyo fidnada joojiyaan, ogaada Alle ayaa idinla jira,oo jaalkiin ah,waxana ugu nimco badan la jiridda Alle,iyo gargaarka Alle.
Jihaadka Alle qofkii u baxa,oo geeridu u timaaddo,wejigay doontoba ha ugu timaaddo waxa qofkaasi yahay,mid shahiid ah,oo shuhadada Alle ka mid ah:
عن أبي مالك الأشعري رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم: {من فصل في سبيل الله فمات أو قتل فهو شهيد، أو وقصه فرسه أو بعيره، أو لدغته هامة، أو مات على فراشه أو بأي حتف شاء الله، فإنه شهيد، وإن له الجنة(
Xadiiska:Abi Maalik Alashcari,Alle ha ka raalli noqdee,waxa laga weriyry,in Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,yidhi:ka u baxa Jihaadka Alle,ee dhinta,ama la dilo,waa shahiid,ama uu laado faraskiisu ama awrkiisu,ama uu qaniino bahal hoose,ama geeriduba u timaaddo,oo furaashka ku dhinta,ama gogoshiisa,sida ay doontoba hadda iyo geeridu ha ugu timaaddee waa shahiid,oo waxa uu leeyahay Janno.
Jihaadku waa noocyo badan yahay,waxa jira Jihaad aad nafta la jihaadayso,oo kala jihaadayso in ay raacdo hawadeeda,oo waxa aad mar kasta ku ilaalinaysaa daacadda Eebbe,iyo camalka suubban,oo iyaduna waa jihaadka nafta,ee aan dagaalka ahayn:
عن فضالة بن عبيد الله رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم:"ألا أخبركم بالمؤمن؟ من أمنه النّاس على أموالهم وأنفسهم،والمسلم من سلّم النّاس من لسانه،ويده،والمجاهد من جاهد نفسه في طاعة الله، والمهاجر من هجر الخطايا والذنوب"
Xadiiska: Fadaala Ibnu Cubaydallah, Alle ha ka raalli noqdee,waxa uu sheegay in Rasuulka Alle, nabadgelyo iyo naxariisi, korkiisa ha ahaatee,ydihi "ma idiin sheegaa Muuminku ka uu yahay?": Waa ka ay dadku kala nabad galaan maalkooda iyo naftooda Muslinkuna waa ka dadku ka nabadgalaan carrabkiisa iyo gacantiisa, Mujaahidkuna waa ka naftiisa ku jihaada ee daacadda Alle ku jihaada, Muhaajirkuna waa ka ka hijrooda, ee ka taga khaladaadka iyo denbiyada. Sidoo kale, Dumarka jihaadkoodu waa mid aan dagaal lahayn oo Xajka ayaa u ah Jihaad, sida Rasuulka Alle nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee sheegay:
سألت عائشة رضي الله عنها النبي صلى الله عليه وسلم هل على النساء جهاد ؟ فقال : عليهن جهاد لا قتال فيه ، الحج والعمرة ، وقالت رضي الله عنها استأذنت الرسول في الجهاد فقال لها : جهادكن الحج.
Xadiiska:Caa'isha Alle ha ka raalli ahaadee,ayaa weydiisay Nebiga naxariistii iyo nabad gelyadii Alle korkiisa ha ahaatee:dumarka Jihaad ma ku waajibay? Waxa uu yidhi:haa waxa korkooda ah Jihaad,aan dagaal lahayn,waa xajka iyo cumrada,waxay kaloo tidhi Caashi,waxa aan ka idan dalbay Rasuulka in uu Jihaadka ii fasaxo,markaas ayuu yidhi;jihaadkiinnu waa xajka.
Muslimiinta waxa la amarayaa,in ay digtoonaan ku jiraan,oo mar kasta diyaar u ahaadaan gaalada Islaamka la dagaallamaysa,waa in muslinku heeggan ahaado:
وأعدّوا لهم ما استطعتم من قوّة ومن رباط الخيل ترهبون به عدوّا الله وعدوّكم وءاخرين من دونهم لا تعلمونهم الله يعلمهم وما تنفقوا من شيء في سبيل الله يوفّ أليكم وأنتم لا تظلمون (الأنفال)
Aayadda:u diyaarsada waxa aad awooddaan quwad,ee ay farduhu ka mid yihiin,ee aad ku baqa gelinaysaan cadowga Alle,iyo cadowgiinna,iyo kuwo kale oo aan iyaga ahayn,oo aydinaan ogayn,oo garanayn,oo Alle keliyi garanayo,waxa aad u bixisaan Jihaadka,iyo dar Alle waa la idiin oofinayaa,oo la idinka abaalinayaa,iyadoo aan la idin dulmiyaynin.
Alle subxaana watacaalaa,nimcooyinka uu ina siiyey waxa ka mid ah,in aynu si dhib yar,ku hanan karno Jannadiisa,haddii aynu adeecno,oo amarkiisa raacno:
إنّ الله اشترى من المؤمنين أنفسهم وأموالهم بأنّ لهم الجنّة يقاتلون في سبيل الله فيقتلون ويقتلون وعدًا عليه حقًّا في التوراة والإنجيل والقرءان ومن أوفى بعهده من الله فاستبشروا ببيعكم الّذي بايعتم به وذالك هو الفوز العظيم(التّوبة)
Aayadda:Alle waxa uu ka iibsaday,Muuminiinta naftooda iyo maalkooda,in ay leeyihiin Janno,oo u dagaallamayaan dar Alle jidkiisa,oo la laynayo,ama ay wax laynayaan,waa ballan aannu xaq u qaadnay,oo ku cad Tawraad,iyo Injiil iyo Quraanka,oo ka oofiya ballantiisa,uu Alle la galay,ugu bushaaree iibkoodii ay iibsadeen,waana guul aad u weyn arrinkaasi.
Jihaadku waxa uu kala soocaa dadka,oo iimaankooda iyo ku toosnaanta amarka Alle ayuu jihaadku caddeeyaa:
أم حسبتم أن تتركوا ولمّا يعلم الله الّذين جاهدوا منكم ولم يتّخذوا من دون الله ولا الرّسول ولا المؤمنين وليجة والله خبير بما تعملون(التّوبة)
Aayadda:ma waxa aad u malaynaysaan,in la idinka tegayo,oo la idin daynayo,iyadoo aan la ogaan kuwa idinka mid ah,ee jihaadaya,ee aan magan gelayn cid aan ahayn Allohood iyo Rasuulkooda iyo Muuminiinta,Alle khabiir buu u yahay,oo waa og yahay,waxa aad samaynaysaan.
Alle Isagaa korreeyee,waxa uu jecel yahay Addoomadiisa u dagaallama xaqa:
إنّ الله يحب الّذين يقاتلون في سبيله صفًا كأنّهم بنيانٌ مرصوص (الصّف)
Aayadda:Alle waa jecel yahay,kuwa u dagaallamaya jidka Alle,iyagoo saf ah,oo aad mooddo dhisme rasaysan oo siman.
Waxa Alle la jiraa,oo difaacaa,taageero iyo guulna siiyaa muuminiinta dhabta ah:
إنّ الله يدافع عن الّذين ءامنوا إنّ الله لا يحب كلّ خوّان كفور(الحج)
Aayadda:Alle waxa uu difaacaa kuwa muuminiinta ah,ee Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,oo Alle ma jecla mid kasta oo khaayin ah,oo khiyaamo badan,oo kufri badan.
Waxa shardi ah,in ciddii Alle u gargaarta,ee amarkiisa raacda,Allena u gargaarayo,oo haddii Alle kula jiro,cid kaama lib heli karto,oo kaagama guulaysan karto sinaba:
إن ينصركم الله فلا غالب لكم وإن يخذلكم فمن ذا الّذي ينصركم من بعده وعلى الله فليتوكل المؤمنين(العمران)
Aayadda:haddii Alle idiin gargaaro,cid idinka qaalib noqonaysa,oo idinka guulaysanaysaa ma jirto,oo hadduu idin hoojiyona,ayo kale ayaa idiin gargaaraya isaga ka dib,Muuminiintu Alle ha tala saarteen.
Kuwa Islaamka la dagaallamaya,ee baadida ah,waxa waajib ah in lala jihaado:
إنّما جزآء الّذين يحاربون الله ورسوله ويسعون في الأرض فسادًا أن يقتلوا أو يصلّبوا أو تقطّع أيديهم وأرجلهم من خلاف أو ينفوا من الأرض ذالك لهم خزيٌ في الدّنيا ولهم في الأخرة عذابٌ عظيم (المائدة)
Aayadda:abaalgudka iyo jasaha kuwa la dagaallamaya Alle iyo Rasuulkiisa,ee Arlada ku fidinaya fasaadka,waa in la laayo,oo la salbiyo,oo loo jaro gacmahooda iyo lugohooda si is weydaar ah,ama laga masaafuriyo dhulka,arrinkaasi waa hooggooda dunida,Aakhirona waxa ay leeyhihiin cadaab weyn.
Muslimiintu waxa ay u dagaallamayaan Alle dartii,gaaladuna Shaydaanka dartii:
الّذين ءامنوا يقاتلون في سبيل الله والّذين كفروا يقاتلون في سبيل الطاغوت فقاتلوا أولياء الشيطان إنّ كيد الشيطان كان ضعيفاً (النسّاء)
Aayadda:kuwa Alle iyo Nebigiisa rumeeyey,waxa ay u dagaallamayaan Alle jidkiisa,iyo Alle dartiis,kuwa gaaloobayna waxa ay u dagaallamayaan jidka daaquudka iyo Shaydaanka,la dagaallama kuwa wehelka u ah Shaydaanka,dhagarta Shaydaanku waa mid daciif ah,oo liidata'e.
Shuhadada jihaadka lagu dilay,ma aha,kuwo meyd ah,ee way nool yihiin:
ولا تحسبنّ الّذين قتلوا في سبيل الله أمواتًا بل أحياءٌ عند ربّهم يرزقون فرحين بما ءاتاهم الله من فضله ويستبشرون بالّذين لم يلحقوا بهم من خلفهم الا خوف عليهم ولا هم يحزنون(ألعمران)
Aayadda:ha u malayninna kuwa jidka Alle lagu dilay,in ay dhinteen,way nool yihiin,oo Alle agtiisa ayaa lagu arsaaqaa,oo waxa ay ku faraxsan yihiin,waxa Alle siiyey,ee fadli ah,oo waxa ay ku bushaaraysanayaan,kuwa aan weli soo haleelin,ee ka dambeeya,in aan wax cabsi iyo murugo ahi,aanay korkooda ahayn.
Qofkii jihaadaa,isaga ayaa naftiisa khayr iyo ajar iyo Janno u shaqaysanaya:
ومن جاهد فإنّما يجاهد لنفسه إنّ الله لغنيّ عن العالمين(العنكبوت)
Aayadda:kii jihaadaa waxa uu u jihaadayaa naftiisa,Allena qani ayuu ka yahay caalamiinta(dadka),oo waxba ugama baahna.
Lama koobi karo khayrka iyo fadliga Jihaadka,aynu xadiiskan eegno:
عن المقدام بن معديكرب،عن رسول الله صلى الله عليه وسلّم قال:للشهيد عند الله ست خصال:يغفرله في أول دفعة من دمّه،ويرى مقعده من الجنّة،ويجار من عذاب القبر،ويأمن من الفزع الأكبر،ويحلّلى حلية الإيمان،ويزوج من الحور العين،ويشفع في سبعين من إنسانًا من أقاربه"
Xadiiska:Miqdaad Bin Macadyakarib,waxa uu weriyey,in Rasuulku Alle,nabadgelyo iyo naxariisi,korkiisa ha ahaatee,yidhi:qofka shahiidka ahi,waxa uu leeyahay,lix arrimood:Alle ayaa u denbi dhaafaya,barta ugu horraysa ee dhiig ka soo dhacda,oo waxa uu arkayaa,oo la tusayaa,meesha uu Jannada ku leeyahay,oo waxa laga badbaadinayaa,cadaabka qabriga,oo waxa laga nabadgelinayaa,argagaxa weyn ee Qiyaamaha,oo waxa la huwinayaa iimaanka,oo waxa loo guurinayaa xuural cayn,oo waxa uu u shafeeca qaadayaa todobaatan,ka mid ah qaraabadiisa.
Alle ha innaga dhigo kuwa ku guulaysta shahiidnimada,iyo Jannada Alle, Aamiin.
Saeed Ibrahim Hussein
As/w/w
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo ka hadashey sameynta ay Somaliland ku leedahey dagaalka Galgala iyo Xildhibaanada ku Xidhan Borama : 8 Sep 2010 - 17:20
- Dadwaynaha Somaliland oo La yaab la noqotay Muddo kordhinta ay isku Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka : 8 Sep 2010 - 17:11
- 30 Suxufi oo ka hawlgala Warbaahinta Somaliland oo dhameystay Tababar ay Hayada Wadaniga WAAPO u qabatey : 8 Sep 2010 - 16:37
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
















كُتِبَ
كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَ هُوَ كُرْهٌ لَّكُمْ وَعَسَى أَن تَكْرَهُواْ شَيْئًا وَ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَعَسَى أَن تُحِبُّواْ شَيْئًا وَ هُوَ شَرٌّ لَّكُمْ وَ اللّهُ يَعْلَمُ وَ أَنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ (البقرة)
Aayadda: waxa la idiin
كُتِبَ عَلَيْكُمُ الْقِتَالُ وَ هُوَ كُرْهٌ لَّكُمْ وَعَسَى أَن تَكْرَهُواْ شَيْئًا وَ هُوَ خَيْرٌ لَّكُمْ وَعَسَى أَن تُحِبُّواْ شَيْئًا وَ هُوَ شَرٌّ لَّكُمْ وَ اللّهُ يَعْلَمُ وَ أَنتُمْ لاَ تَعْلَمُونَ (البقرة)
Aayadda: waxa la idiin
سئل رسول الله صلى الله عليه وسلم عن الرجل يقاتل شجاعة ، ويقاتل حمية ، ويقاتل رياء ، أي ذلك في سبيل الله ؟ قال :"من قاتل لتكون كلمة الله هي العليا ، فهو في سبيل الله
soomaali
aroos131@hotmail.com
ilaah waxa aan kabarinayaa in aan ku shahiido aniga oo ladagaalamyo gaalo waliba yahuuda in ay qoorta iga jaraan aniga oo kula dagaalamaya magaca alle in uu gor noqdo ilaahoow ii sahal
+27781858851
Post new comment