Mabaadiida Qarsoon ee Mucaaridka Somaliland!!! Qaybtii 1aad

Text Size

(Mucaaridka Somaliland ma kala yaqaanaan Dalka, Dowlada, Dowladnimada, Dimuqraatiyada, Doorashooyinka, danta guud, danta gaar iyo doonista dadka ).

Ku soo dhowaada maqaalo taxane ah oo ku saabsan mabaadiida qarsoon ee mucaaridka Somaliland.Maqaaladan waxaan si gaar ah ugu iftiimin doonaa tabaha iyo siyaasadaha u qarsoon mucaaridka Somaliland iyo weliba sida ay u curyaaminayaan guud ahaan horumarka Somaliland,waxaan dhinacyo kala duwan ka eegi doonaa noocyada mucaarid ee xilligan jira. Arimaha aan is leeyahay waa muhiim in laysla fahmana waxaa ka mid ah:-

1. Maxaa loola jeedaa mucaaridka/noocyada mucaarid ee maanta ka jira Somaliland,sida Xisbiyada –Urur-Koox-shaqsiyaad.Waxaan sharaxi doonaa mucaard wax dhisa/dhaliila/toosiya iyo mucaaridka wax dumiya iyo mucaaridka ay cid kale adeegsanayso.

2. Waxan faahfaahin ka bixin doona waxay ay ku kala duwan yihiin Dowlad ku mucaarid/kursi ku mucaarid/shaqsi ku mucaarid/hormar ku mucarid/mabda ku mucaarid/ cid gaar ah ku mucaarid/shilin ku mucaarid/weligii mucaari waa Dowlad kasta ku mucaarid iwm.

3 Waxaad fahmi doontaa in Xisbiyada maanta ka jira Somaliland—Udub ay taageeraan DANYARTA- mucaaridkina waxaa taageera TIJAARTA iyo shaqsiyaadka siyaasad ahaan XAG JIRKA ah .

4 Madaxda mucaaridku ma doonayaa in ay DOORASHO DHACDAO-sababtoo ah iyaga ayaa meeshka ka baxaysa-waxaa dhamaanaya taariikhda –iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed ee hogaamiyaasha mucaaridka,markaa waa in ay ka soo horjeestaan talaabo kasta oo qaado dhinaca Doorashooyinka.

5 Waxaynu arki doonaa sida mucaaridku ay u curyaaminayaan guud ahaan siyaasada Somaliland gudaha iyo dibada ,waxaan sharaxi doonaa dhibaatooyinka ay gaadhsiiyeen mucaaridku siyaasada dalka ay madaxtinimadiisa doonayaa.

6 Mucaaridka Somaliland waxay sidoo kale hadh iyo habeen ka shaqeeyaan sidii ay dhibaato ugu geysan lahaayeen dhaqaalaha Somaliland,waxaan soo qaadan doonaa tusaalayaal cad cad oo ku saabsan sida mucaaridku u wax yeeleeyeen dhinaca dhaqaalaha.

7 Qoraaladan waxaan sharaxaad buuxda idinka siin sida ay u ololeeyaan mucaaridku ,waxaan idin tusi doonaa sida qaldan ee ay mucaaridku u isticmaalaan ololaha Doorashooyinka iyo weliba sida ay u kala qaybinayaan bulshada reer Somaliland.

8 Mucaaridka Somaliland waxay si cadaan ah u boobeen hantidii Qaranka Somaliland ,waxaadna qoraaladan ku arki doontaan sida mucaaridka Somaliland ay qaateen hantidii Ummadda ka dhaxaysay, iyo noocyada hantiyeed ee ay haystaan xilligan.

9 Waxaan marar badan daawaday shirarka kala duwan ee mucaaridka Somaliland,waxaaanan idiin soo gudbin doonaa,waxyaabihii iigu yaabka badnaa ee aan ku arkay shirarka mmucaariddka .

10 Mucaaridka Somaliland,waxay soo abaabulaan oo ka masuul yihiin rabshadaha ka dhaca Somaliland ,wixii faahfaahin ahna waxaad ka heli doontaa qoraaladan taxanaha ah.

11 Waxaan idin tusi doonaa Qurba jooga Somaliland,halka ayey kaga jiraan dhibaatada ay mucaaridku geystaan,waxaan si gaar u eegi doonaa ururo magacyo waaweyn leh,balse shaqadoodu tahay mucaaridnimo iyo dhibaataynta shacabka reer Somaliland.

12 Saxaafada mucaarid sida (Radio Horyaal-Jamhuuriya/websideka qaarkood.Saxaafada mucaaridku waxay la mid yihiin saxaafadii Ruwanda ee 1993,waxaan qabaa in haddii ay sidan ku sii socoto saxaafada mucaaridku ,inay jiri doonaan ragg loo aqoonsan doono dembiilayaal Saxaafadeed.Waxaan u fiican saxaafada mucaaridka in ay ka shaqayso sidii ay shacabka isugu soo dhoweyn lahayd.

13 Qaybta ugu dambeysa ee qoraaladan waxaan si fiican idiin fahansiin doonaa mindiyaha/midabada /mabaadida u qarsoon mucaaridka Somaliland,anigoo ay ii muuqato khatar weyn oo ku ku soo fool leh Somaliland.
Waxaan ka digi doonaa arimo badan oo haddii aan maanta madaxooda la qaban,ay adkaan doonto in minjahooda la soo qabtaa.

Waan hubaa in maanta Somaaliland aanay u baahneyn in la MIIQSIIBO,mucaaridkuna waxay wadaan waa miiqsiibid,balse waxaa dadka ugu liita shaqasiga jaraya laantii uu ku fadhiyey.
Mucaaridka Somaliland-na ma ogola sharciga iyo kala dambeynta dalka, ma doonayaan in la aqoonsado Somaliland,waxay gorgortan kula jiraan Soomaaliya,ma doonayaan in wadanku nabad ahaado,horumarna gaadho.

CAAWI AGOONTA SI ADIGANA ILLAHAY KUU CAAWIYO
DAHABSHIIL account No. HRGD14759.

Mahadsanid

1 2

....... waa inoo qaybta 2aad ---

Abdi M.Saleiman(Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com

Posted In

Post new comment