Wasiir Soo Bandhigay Nashqadaha Darajooyinkii Ciidamada Qaranka Ee Muddada Dheer La Qarsanayey in La siiyo Ciidamada
Hargeysa, (sli) - Wasiirkii Hore ee Wasaarada Gaashaan-dhiga Somaliland Col Cumar Maxamed Nicmaale, ayaa maanta markii u horraysay soo bandhigay nashqada darajooyinkii sadexda Ciidan qaran ee Somaliland oo uu sameeyay sanadkii 1998-kii xiligaasi oo iyaga oo dhamaystiran oo u gubiyay Madaxweynihii hore ee geeriyooday Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal.
Wasiirkii hore wuxuu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Gurigiisa magaalada Hargeysa waxaanu xukuumada cusub ka dalbaday inay meel mariso darajooyinka ciidamada.
Ugu horayn Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaan-dhigu wuxuu dadweynaha u soo jeediyay in la sugo oo wakhti uu horumarka kaga shaqeeyo la siiyo Madaxweynaha cusub waxaanu yidhi “Waxaan doonayaa inaan halkan Hambalyo uga diro Madaxweynaha cusub ee Somaliland oo aan leeyahay waanu ku tahniyadeynaa masuuliyadaasi weyn ilaahay ha kula qabto.
Shacbiga Somaliland-na waxaan leeyahay waxaynu u baahan nahay horumar iyo adduunka oo aynu ictiraaf ka doonayno markaa aynu siinayo Jaanis iyo wakhti Madaxweynaha cusub Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) si uu wax inoogu qabto oo uu ictiraafkiina ku doono. Oo yaan sidii Madaxweyne ee hore laguta la qaban oo aflagaado iyo mucaaridad aan meelna inagaynayn Waxaan qabaa in loo baahan yahay in laga daayo oo aynu wada taageerno. Anigu af iyo adinba waan ku taageereyaa haddii Alle yidhaahdo.”
Md. Cumar Maxamuud Nimcaale wuxuu bogaadiyay Madaxweynaha xilka wareejinaya waxaanu yidhi “Madaxweynaha xilka wareejinaya ee Daahir Rayaalena waxaan leeyahay waad mahadsan tahay Ilaahay wuu ku waafajiyay sidii fiicnayd ee aad u aqbashay natiijooyinkii doorashooyinka, waxaanan ku leeyahay waxaad Somaliland kaga jirtaa baal dahab ah.”
Wasiirkii hore oo ka hadlayay darajooyinkii ciidamada qaranka waxaanu yidhi “Waxaan marmar badan shacbiga Somaliland guddo iyo dibadba jooga ay ka hadlaan darajooyinkii ciidamada maxaa loo soo saari waayay oo ciidamada loo siin waayay? Waxaan doonayaa bal wixii aan Anigu ogahay inaan ummadda wax yar uga sheego. Sanadkii 1998-kii markii la ii magacaabay Wasiirka Daakhiliga ayaan dhawr bilood ka dib Taliyihii Ciidanka Booliska ee xiligaasi Cilmi Rooble aan ku idhi meeday darajadii ciidamada.
Laga Sameeyey Ciidanka Somaliland
Ka dibna wuxuu igu yidhi waxa isugu yimid sadexda Taliye Ciidan ee Booliska, Milatariga iyo Asluubta iyo sadexda Wasiir ee Arrimaha Gudaha, Gaashaan dhiga iyo Cadaalada waxaanan ku dedaalay inaanu samayno Darajooyinkii Ciidanka. Wuxuu ii sheegay in markii ay dhawr jeer ay isku dayeen inay sameeyaan farshaxankii darajooyinka in la is haleeli waayay oo ay hawshii halkaasi ku hakatay. Markaa Aniga (Cumar Nimcaale) ayaa halkii ka sii bilaabay haddana waa la is haleeli waayay Aniguna faraha ayaan ka qaaday.”
Cumar Maxamed Nimcaale oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Sanad ka dib waxa la ii bedelay Wasaarada Gaashaan Dhiga waxaana Wasaarada Agaasime Guud ka ahaa Alle ha u naxariistee Marxuum- Maxamed Cabdilaahi Faarax (Fani) oo horena nashqada darajada gacanta ku hayay.
Markaa waxaan ku idhi aynu darajooyinkii dhaqaajino oo aynu sameyno ka dibna waanu samaynay. Sadexda ciidan qaran darajooyinkoodu waa isku mid sida caadiga ah hase yeeshee midabkooda ayaa kala duwan oo Milatariga waa casaan, Booliska waa Buluug, Asluubtana waa doogo madow ku jiro.markaa Anigu nashqadii ay hore u sameeyeen wax baan ka bedelay. Waxaan bedelay markii aynu Xamar is-raacnay ee Somali Republic aynu noqonay darajooyinkii la sitay ayaan wax ka bedelay oo waxaan is idhi wax ay Somaliland leedahay samee.markaa Alfaantii kor u jeedi jirtay waxaan qaatay tii Maraykanka oo hoos ayaan u foorariyay.
Xidigaha adduunka oo dhami waa isku mid. Waxaan darajooyinkaasi aan sameeyay oo dhamaystiran aan raaciyay oo aan ku lifaaqay Sadex warbixinood oo qoraal ah.ma hubo in Daahir Rayaale uu hayay darajooyinkii aanu samaynay Aniga iyo Agaasimihii hore ee Gaashaan dhiga Marxuum- Maxamed Fani waayo Madaxweyne xilka kalama uu wareegin oo waa kii Madaxweyne Cigaal dhintay. Intii aan Anigu shaqada ka sii maqnaana kama aanu wada hadalnay.”
Cumar Nimcaale wuxuu sheegay in nashqada darajooyinka Ciidamada qalabka sida ee Somaliland ee uu sameeyay aanay wali sharci ahayn, maadaama oo aan Goleyaasha Xukuumada iyo sharci dejintu ansixin, waxase uu tilmaamay inay dhamaystiran tahay oo sadexda Taliye Ciidan ay soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Anigu markii aan darajadan sameeyay waxaan u dhiibay Madaxeynihii hore ee Somaliland ee geeriyooday Marxuum- Maxamed Ibraahim Cigaal waxaanan raaciyay sadex qoraal oo aan kaga warbixiyay shuruudaha lagu qaadanayo, dib u habaynta ciidamada iyo ahmiyada ay darajooyinku ay u leeyihiin Ciidamada qaranka ee kala duwan.”
Wasiirkii hore ee Gaashaan-dhigu wuxuu Madaxweynaha cusub ee Somaliland u soo jeediyay inuu sii ambo qaado oo uu ciidamada qaranka siiyo darajooyinkii Ciidanimo.
“Waxaan Madaxweynaha cusub leeyahay wixii shacbigu doonayana yeel wixii ay diidayaana diid, Somalia iyo Masar waa cadowga kaliya ee aynu leenahay ee 20-ka sanadood caalamka inagu diraysay inaynaan ictiraaf la ina siinin. Masar ma waxay inoo sheeganayso Anigu magarane’e Inigaaba iska hor baranay. Waxaan leeyahay ummaddani in la isa soo hor fadhiisto Somaliland iyo Somalia. Waxaan leeyahay isma soo fadhiisan karno 95 kun oo qof oo reer Somaliland ah oo Rag, Dumar iyo Carruur iskugu jira ayay laayeen reer Somaalia,
waxay dumiyeen magaalooyinkii dalka oo dhan waxaan qabaa waa inay horta magtii na siiyaan oo adduunka oo dhami na soo dhex galo wali waxa dunsan daaro. Waxa kale oo aan leeyahay ictiraaf ugama baahnin cadowgii ku dilay oo baryi mayno, saaka waxaan ka maqlayay BBC-da Wasiir la lahaa waa Wasiirka Warfaafinta ee dawlada ku Meel gaadhka ah oo lahaa Anagaa ka masuul ah Soomaaliya oo dhan. Waxaanu garanayn oo aanu la socon taariikhda oo qof caammo ah ayaad mooddaa waxaan leeyahay taariikhda dib u raaca. Markii Xamar la iskugu tagay wax kaliya ayaa lagu heshiiyay oo wuxuu ahaa “Somali Republic” markii la yidhi maxaynu la baxnaa Somalia idinka yeeli mayno inaynu qaadano idinkuna Somaliland naga yeeli maysaane’e.
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo ka hadashey sameynta ay Somaliland ku leedahey dagaalka Galgala iyo Xildhibaanada ku Xidhan Borama : 8 Sep 2010 - 17:20
- Dadwaynaha Somaliland oo La yaab la noqotay Muddo kordhinta ay isku Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka : 8 Sep 2010 - 17:11
- 30 Suxufi oo ka hawlgala Warbaahinta Somaliland oo dhameystay Tababar ay Hayada Wadaniga WAAPO u qabatey : 8 Sep 2010 - 16:37
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47















Post new comment