Daqiiryada Qaran buuxa lagu gaadhaayo wax ka mid ah Shaxdan

Text Size

Mara hore waxaan salamaaya dhamaan shacabka reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan.


marka xigta waxaan salaamayaa bahda saxaafada kuwooda shaqada fiican. Waxaan filayaa dhamaan shacabku reer Somaliland waxay sugayaa dawlada cusub ee uu soo dhisaayo madaxweynihii ay codkii ugu badnaa siiyeen ee axmed siilaanyo oo isla markiiba uu gudiyo u saaray soo xulista iyo soo koobida xukuumadii faraha badnayd ee asqaysay wadankan yar ee dadkiisuna daacada ahaayeen dawladiisuna gowska danbeedka ka qosli jirtay


Gudidan madaxweynaha cusubi u saaray ka soo tali bixinta tirarada wasaaraha qaranku yeelanaayo ee uu hormood ka yahay xusbiga kulmiye ayaa soo gudbiyey in wasaaraduhu noqdaan 15 keliya halka isla markaan lagu kabo agaasim hoosaadyo kala fududeeya shaqada qaranka, wax kaloo gudigani ku soo talo bixiyey in dhidibada loo taago haayado sharci ah oo awood buuxda oo ay ku fuliyeen hawsha qaranka ee loo xilsaaro madaxweynu abuuro, kuwaas oo sida la sheegay madaxweynuhu aad iyo aad u soo dhaweeyey, dadka reer s/land ayaa guda iyo debedba qaabka madaxweynuhu u wajahay soo dhisida dawlada cusub aad iyo aad ugu ganacsan, waxaana qof waliba ku odhanayaa sidii aan doonaayey ayaa madaxweynuhu u wada hawsha..

Marka ay sidaa tahay miyaanay ahayn in qof waliba meesha uu joogo wixii fakar ah ee qaranka waxa u taraayey uu u gudbiyo madaxweynaha isagoo qof waliba u marinaaya dariiqa uu is leeyahay madaxweynuhu waa ku helayaa fariintaa

Anigu waxaan fakargayga ku wajahan xukuumada cusub ee dhawaan la filaayo in uu soo dhiso madaxweyna axmed siilaanyo uu yahay in dhamaan badha saabada gobolada laga leexiyo qaabkii xukuumadihii hore u wajihi jireen oo ahayd in gobol walba uu maamulo nin u dhashay taas oo aan ahayn nadaam lagu gaadhi karo qaran buuxa, waxaana waajib ah si nadaamkeenu u saxmo oo dadka reer s/land u fahmaan in qaranku yahay mid keliya xukuumaduna qofka ay u wakiilanayso gobolka uu yahay somalilander laakiin aanu ahayn reerka ugu badan gobolka oo ah qaabka hada lagu saleeyo gudoomiya yaaha gobolada

Fakarkan kumaan talo galin ii aan ka dhigo mid dheer laakiin waxaan uga jeedaa in hanta gunta laga soo tolo oo madaxweyna siilaanyo kaga dhabeeyo nadaamka qaranka ayaan saxayaa, runtiina waan filayaa in axmed siilaanyo kaga dhabaynaayo arintaa oo jamhuuriyada s/land u jeexaayo dariiqii ay ku gaadhi lahayd qaran buuxa oo ilaahay mooyee aan cid kale u baahnayn.

Sacad ciise cumar
berbera Somaliland
e-mail f_bihaary@hotmail.com

Posted In

Post new comment