Madaxweynaha La doortay oo Shaqadii ka Eryey Gudidii loo Xil-saaray Illaalinta Hantida Qaranka
Hargeysa, (sli) - Guddiyadii uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha cusub ee la doortay ee Axmed Siilaanyo ayaa la sheegayaa inay hawlahoodii istaageen kadib markii ay cabashooyin ka yimaadeen hawlgaladoodii, qaarna ay garanwaayeen waxay qabtaan, halka qaarna laga dayrinayo in la qaadanayo talooyinkodii.
Sida ay wararku sheegayaan Axmed Siilaanyo ayaa joojiyey hawlgaladii iyo warbixintii ay soo saari lahaayeen gudida Illaalinta Hantida ee uu hore u magacaabay, kadib markii loo doortay madaxtinimada.
Sida la sheegay Siilaanyo waxa uu joointan ku talaabsaday kadib markii ay soo baxeen cabashooyin la xidhiidha inay si khaldan u adeegsadeen hawshii loo igmaday, iyaga oo la sheegay inay ku ka ceen arimo baalmarsan nidaamkii loogu talo galay inay ku shaqeeyaan taasoo ahayd inay mudada kala guurka ah Illaaliyaan kana war hayaan Hantida Qaranka si aan loo boobin, wixii macluumaad ah ee ay helaana ku soo celiyaan madaxweynaha Magacaabay, taasoo iyaga oo aan war-bixintoodii ku celin Siilaanyo qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo bandhigeen dhaliilo farabadan oo kiciyay xaasaasiyad iyaga oo aan marin Hay’adihii sharciga ahaa
Sida ay wararku sheegayaana talaabooyinkaasi ayaa sababay in Axmed Siilaanyo ay uga tagaan cabashooyin badan oo la xidhiidha Amarada ay bixinayaan iyo hawl fududaymo ay weydiisteen masuuliyiinta haya Xilalka Qaranka ee loo diray inay dabagalaan, gaar ahaana waxa ay cabashooyinkaasi ka soo baxeen Hay’adaha dakhli soo saarka iyo qaar ka mid ah shakhsiyaad ka soo jeeda Gobolada Dalka qaarkood oo ay saareen culays farabadan
Taasi waxay keentay in Axmed Siilaanyo oo amro guddidu inay joojiso war-bixin ay sheegeen inay maanta oo ay bishu tahay 25 ay soo saarayaan, taasoo ay damacsanaayeen inay ku soo bandhigaan waxyaabo badan oo hantida Ummadda ka mid ah oo ay sheegeen in la lunsaday
Talaabadan ayaa waxay ka danbaysay kadib markii uu Madaxweynaha talada sii haya ay gaadhay cabasho ka badan ta gaadhay Siilaanyo oo sababtay in uu kala hadlo Axmed Siilaanyo dhibaatooyinka sharci darada ah ee ay ku talaabsadeen Guddida uu magacaabay mudadan kala guurka ah oo ay dhici karaan xad-gudubyo aanay labada Madaxweyne midkoodna ogayn taasoo keentay in kulankoodii kadib Madaxtooyada Soamliland ka soo saarto war-saxaafadeed nuxurkiisu ahaa inaan la carqaladayn nidaamka xil-wareejinta, kaasoo u muuqday mid lagu asturayay dhibaatooyinka ay ka wada hadleen.
Lama oga Guddidu waxa ay ka yeeli doonto talaabada uu Axmed Siilaanyo ku hor istaagay warbixintii ay ku balan qaadeen inay maanta soo bandhigaan, hase yeeshee waxa ay warar aanu ka helnay Guddidaasi sheen in ay isku khilaafeen go’aanka ay arrintan ka qaadanayaan, iyadoo warar hoose oo aanu Guddida ka helnayna sheegayaan kulan ay shalay ku lahaayeen Hotelka Maan-soor inuu u qabsoomi waayay kadib markii ay ku kala jabeen inay aragati midaysan ka yeeshaan carqalada soo waajahday
Inkastoo ay wararka qaarkood sheegeen in xalay dib ay qaarkood iskugu soo ladqabaynaeen si ay u kulmaan balse lama oga inay suurtogal u noqotay arrintaasi iyo inkale
Tan iyo markii uu Siilaanyo magacaabay Guddidan waxa soo baxayay aragtiyo kala duwan oo la xidhiidha daacadnimadooda tusaale ahaana dadka qaar ayaa u arkayay Axmed Siilaanyo inuu ku degdegay maadaama Dalka ay ka jiraan Hay’addo iyo shuruuc damaanada qaaday ilaalinta Hantida Qaranka oo aan loo baahnayn inuu magacaabo, halka aragtiyo kalena qabeen xubnaha Guddida laftigoodu inaanay ahayn shakhsiyaadkii ku haboonaa gaar ahaan shakhsiyaadka ka tirsan Xildhibaanada Golaha Wakiiladda ee guddidaas ku jira, oo ahaa kuwo xag-jir ah xurguf siyaasdeed oo kululina ay ka dhaxaysay qaar ka mid ah masuuliyiinta loo diray inay dabagalaan, halka Guddidaas xubno ka mid ahina ay ka soo jeedaan xubno ka soo digarogtay saacadihii u danbeeyay Xisbiga UDUB, kuwaasoo ay ku sii jirto cadhadii ay kala yimaadeen saaxiibadooda wali ku sii baaqi ah Xukuumadda.
Dhinaca kale, waxa la sheegay inay iska kala yaaceen Guddidii Siilaanyo u magacaabay qaban qaabada xil wareejinta kadib markii ay garan waayeen qorshe cad oo ay ku shaqeeyaan taasoo ka dhalatay hawsha loo igmaday oo ahayd mid qardajeex ah oo masuuliyadeeda uu leeyahay Madaxweynaha xilka wareejinaya, haseyeeshee waxa xaflad yar oo kooban oo ugaar ah xisbiga soo qabanqaabiyaan, taasoo u gaar ah xukuumadooda cusub, kaasoo Siilaanyo kadib magacaabay Guddi ka kooban afar Wasiir oo kala ah Madaxweyne ku xigeenka Arrimaha Gudaha, Maaliyada iyo Hawlaha Guud kuwaasoo ku guda jira Fulinta xil wareejinta.
Sidoo kale waxa laga dardaar-warinayaa inay shaqayso talooyinkii ay soo jeediyeen Guddidii ka talao bixinta dhismaha Xukuumadda cusub taasoo la sheegay in ay wax badani iska badaleen soo jeedimahoodii, waxaana tibaaxaha ka soo baxaya dadka ka ag-dhaw-dhaw Madaxweynaha cusub sheegayaan in ugu yaraanm tiradii Wasiiradda ee Xukuumada Silaanyo caga-cagaynayso ilaa 20 wasaaradood, halka wasiirku xigeenadii ay ka tageen la hadal hayo in ilaa 8 wasiir ku xigeen uu magacaabayo, taasoo loo aanaynayo culays badan oo xaga Beelaha kaga yimi, inkastoo Siilaanyo Al-baabada ka xidhay in Xukuumaddiisa cida ka mid ah la sii saadaaliyo .
Dadka ka hadlay arintan waxa ka mid ah Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yasiin (Dheeeg) oo ka mid ah Mudanyaasha Golaha Guurtida oo ka digay Khilaaf horleh oo ka dhex Qarxa Gudidii uu dhawaan soo Magacaabay Madaxweynaha la doortay Axmed Maxamed Maxamuud (Siiranyo) ee loo Bixiyay Guddida Ilaalinta Hantida Qaran, iyo Masuuliyiinta Xukuumada Daahir Rayaale Kaahin ee wakhtigu ka sii dhammaanayo.
waxaanu khilaafka ku sababeeyay in Guddida ilaalinta Hantida qaranka Xisbiga Kulmiye, ay qaateen masuuliyad anay iyagu lahayn, waxayna uu shegay in Gudida Masuuliyadoodu ay tahay uun in ay daba gal iyo baadhis uun ku sameeyan, kadiban marka ay Xukuumada Cusub xilka lagu wareejiyo ay soo bandhigaan dhammaan wixii hanti ah ee la lunsaday, ayna wixii qoraal ah ee ay hayeen ay ku wareejiyaan xukuumada cusub si ay iyadu Xal uga gaadho, Lakiin Gudidani any iyagu lahayn waxa awood oo ay waxana ku soo xidhan waxana ku soo qabqabtan.
Balse waxa uu shegay in Gudidaasi ay faro galisay Awoodihii Dasduurku u dhigayay Xukuumada Xilka sii Haysa isaga oo shegay in ay Masuul ay ka tahay Xukuumada xilka sii haysaa in ay ilaaliso Dhammaan Hantida qaranka waajibna ay tahay in logu yimaado wixii hanti ahaa ee qaranku lahaa ee gacanta ku hayeen, Waxaase uu ka digay in dalka uu ka bilaamo Buuq iyo isqabqabsi dhexe mara Guddida Xukuumada cusub iyo Xukuumada xilka ka sii dagaysa, waxaana uu sheegay in Dasduurka qaranku uu Cadeeynayo Awooda ay leedahay Xukuumada xilka ka sii dagaysaa waxana uu shegay in Dasduurku Xukuumada xilku ka sii dhamanyo uu siinayo in ay si buuxda dalka u maamuli karto tan iyo inta laga gadhay Xaflada Xilwareejita labada Madaxweyne. Waxaana uu soo jeediyay Gudida Kulmiye in aany gacmaha la galin Xukuumada Xilka si haysa si aanu u bilaamin Muran iyo Isxagxagasho
Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada oo u waramayey wargesyka Ogaal ayaa ka hadlay gudiyadaa mar wax laga wediiyey waxa uu ku jawaabay; “Horta waxa habboon dawladnimada iyo sharafteeda in la illaaliyo, Millatari dalkan qabsaday ma imanayo, qolooyin hadlayey oo Guddiyaal ah oo Madaxweynaha la doortay soo diray waaxoogaa dhadhan xumo ah ayaannu ku aragnay oo runtii aannaan islahayn meesha way ku jirtaa oo soo baxbaxaya.
Waar wixii qaranku waa wax qoran, Xisaabiyaha guud bay soo mareen, Hanti-dhawrka ayaa haya, Wasaarad walba waa la ogyahay, haddii baabuur geerash yaallo micneheedu maaha baabuurkii ayaa la furfuranayaa. Maalin dhawayto arrin nasiib-darro ah ayaa dhacday, qolada socdaalka iyo Taliyaha sirdoonka Wajaale ayaa lagu qabtay, aadbaannu uga xumaannay runtii, markaasaa Madaxweynihii la doortay lala hadlayaa, yaa horta xilka haya? Xilka waxa hayaa waxa weeyaan maamulkii Madaxweyne Daahir Rayaale, Madaxweynihii dalku waa isaga.
Madaxweyne la doortay wuu jiraa, dee muddo ayuu leeyahay, tallooyin buu urursanayaa, Annaga waajib waxa nagu ah in warbixin subaxeedkii la siiyo, Hay’adihii amnigu u warramaan oo Madaxweynihi u warramo, tiina way socotaa. Laakiin hebel ayaa baxsaday Wasiir Cawil-baa baxsaday, waar waxaasi waa ceeb, dee Cawil soowkan jooga ee ah hawshii wada ee xil-wareejintii diyaarinaya. Waxaan leeyahay waar waxa innoo hadhay waa maalmo, kuraastiina waa la idiin bannaynayaa, waxaad la wareegaysaan waa dad, agab, hanti qaran iyo dawladnimo, wax badan in laysla hubiyo weeye, dadkana in shaki la dhexdhigo maaha, calool-sami iyo niyad sami inaannu xilka ku wareejinno ayaannu doonaynaa, dad masuuliyiin ah baannu nahay in karaamada layska qaadana maaha.” Ayuu yidhi
Related News
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
- TACSI: GEERIDA MARXUUM AXMED NUUR JAAMAC : 5 Sep 2010 - 20:09
- Hambalyo Aroos: Boqor Jaamac Xuseen Yalaxle & Boqorada Caasha Axmed Jamac oo arooskodu kadhacay magaalada Burco : 5 Sep 2010 - 20:05
- Dallada Dhalinyarada SONYO oo Maanta Sameeyey Hawlgalo ku Dayasho Mudan oo Dadweynaha Hargeysa ay soo dhaweeyeen : 5 Sep 2010 - 19:22
















Post new comment