"Somaliland Sharaf ayey u soo Hoysay Geeska Africa" G/ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya
Hargeysa, (sli) - Guddoomiye-ku-xigeenka Baarlamanka Kenya Mudane Faarax Macallin oo hoggaaminaya wefti ballaadhan oo Somaliland u yimi sidii ay goob-joog uga noqon lahaayeen munaasibaddii dhaarinta iyo xil-wareejinta Madaxweynaha cusub ee shalay la qabtay, ayaa markii ay dhammaatay munaasibaddii xil-wareejintu Warbaahintu waydiisey aragtidooda ku wajahan qaabkii xafladdu u dhacday iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland. Wwaxa uu ku jawaabay
“Sii qiimo iyo qaayo leh ayey u dhacday munaasibaddu oo u baahan in Afrikaanka iyo adduunka kaleba ku daydo, waxay muujisay Somaliland bisalay aan laga muujin qaaradda Afrika intii ka horreysay hadda. Waa waddan sabool ah, waa waddan aan aqoonsi helin oo ku dagaallamaya ilaa hadda in la aqoonsado, iyada oo sidaas ayey bileys cajiib ah muujiyeen madaxdeeda kuwii hore, kuwa dambe iyo shacabka.”
Guddoomiye-ku-xigeenku waxa uu ammaan u jeediyey madaxda siyaasadda Somaliland iyo shacabkeeda oo uu sheegay inay muujiyeen bisayl siyaasadeed oo aan ka jirin qaaradda Afrika, sidaa daraadeedna waxa uu adduunka ugu baaqay in la taageero laxaad leh loo fidiyo dalka Somaliland oo uu tilmaamay inuu yahay mid sabool ah oo sameeyey taariikh cusub.
“Dareenkayagu waa mid aad iyo aad farxad u leh oo soo dhoweynaya bisaylka Somaliland muujisay, weli doorasho heerkan gaadhsiisan oo cid ku dhimatay aanay jirin ee nabadgelyadeedu sugan tahay, oo cod la kala xaday iyo cid isku dayday aanay jirin oo dawladdii sii jirtay aanay isku dayin inay wax muuniso, ta timidna tahay mid ku dagaallamaysa sidii dadka loo midayn lahaa weli laguma arag qaaradda Afrika.
Markaa Somaliland sharaf ayey soo hoysay, annaguna waannu dareensannahay, sidii loo kobcin lahaa dimoqraadiyadda dalka ee marxaladiisa dhaqaale isku beddeli lahayd ayaanu ka codsanaynaa adduunka, in si adag looga hawlgallo sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha dhaqaale ee dalka oo noloshiisa kor loogu soo qaado oo garab iyo taageero looga noqdo ayey Somaliland u taagan tahay,” ayuu yidhi Md. Faarax Macallin.
Guddoomiye-ku-xigeenka oo la weydiiyey waxa uu Somaliland u soo kordhin karo socdaalka weftiga uu hoggaaminayo ee dalka yimi, waxa uu ku jawaabay; “Wax badan ayuu soo kordhinayaa socdaalkayagu, waxaannu dawladdayada ku boorrinaynaa inay xafiis ganacsi ka furato Somaliland, waxaananu aaminsannahay in waqti dhow la furi doono, idinkuna [Somaliland] aad Nairobi xafiis ka furan doontaan.”
Related News
- Xukuumada Silaanyo oo ka hadashey sameynta ay Somaliland ku leedahey dagaalka Galgala iyo Xildhibaanada ku Xidhan Borama : 8 Sep 2010 - 17:20
- Dadwaynaha Somaliland oo La yaab la noqotay Muddo kordhinta ay isku Kordhiyeen Golaha Guurtida, Wakiilada iyo Deegaanka : 8 Sep 2010 - 17:11
- 30 Suxufi oo ka hawlgala Warbaahinta Somaliland oo dhameystay Tababar ay Hayada Wadaniga WAAPO u qabatey : 8 Sep 2010 - 16:37
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
















Post new comment