Sawirada ka soo baxaaya Xukuumada cusub iyo waxa Umada la Gudboon
Xukuumad cusub, xubno cusub, qorshe cusub iyo maalin cusub! Wax loo shan-tiriyoba wataas.
xukuumadii cusbayd daaha laga qaaday. Wataas shandadihii xilalka umada loo kala dhiibay rag iyo gabdho muwaadiniin ah oo looga fadhiyo inay gutaan waajib culus. Waxa wajiga horeba ka soo baxay xubno aqoon badan iyo waayo-aragnimoba loo tuhmaayo, waana qodobka ugu xooga badan ee xukuumadani ay ku faani doonto baryaha soo socda. Sida muuqata, wuxu Madaxwaynuhu awood u yeeshay kuna amaananyahay inuu dhaliilo muuqanaayay oo ku xeernaa iska fogeeyo oo wado iska mariyo, halka qaar kalena uu iska maarayn kari waayay in kastoo ay shacbigu awoodii uu iskaga maarayn lahaa oo dhan ku hubeeyeen.
Laba wado oo kala tagaaya, oon meelaba isugu weecanynin baa Madaxwaynaha hor yaalay, waxaanu isku dayay inuu labadii wado isu soo yar duwo, oo habkii qabiilka ee foosha xumaa, iyo habkii cusbaa ee dad badani uga fadhiyeen la is yar waafajiyo. Tani dhibteeda ayay leedahay, waxaana dhibaatooyinkaas koow ka ah sida hadaba muuqatay in xilalkii wasaaraduhu ay kor u kaceen oo “Wasiiro barar” uu dhacay. Halkii dad badan ay ku baaqayeen in xataa 15 kii Wasaaradood ee ay ku soo arimiyeen Gudigii Qaran lagaba yareeyo oo tiraba ilaa sadex wasaaradood laga gooyo, ayay 11 Wasiir iyo Wasiir-ku-xigeen meeshii ka soo baxeen. Tiradaas dheeraadka ah ee ilaa 11 ka xil gaadhaysaa waxay wadankan oo sida Madaxwaynuhuba sheegay khasnadiisu faaruq tahay ugu fadhiyi doontaa aduun aad iyo aad u tiro badan oo meelo kale gali lahaa dhab ahaan hadii caqliga aad looga shaqaysiin lahaa.
Taasi waa masalo xanuun badan, waana wax laga fyrsan karaayay. Wasaarado isku hal kaliya laga dhigay oo la baabiiyay baa la kala jabiyay si shakhsiyaad magacyo kala gadisan leh boos loogu sameeyo, taasna danteenu kuma jirin kumana jirto. Masaladaasi waa masalo adag, waa dhaqan Maxamed Siyaad uu jeexay, intii nidaam Somaliland soo martayna waa lagu soo dhisay, waa se la eeday. Laakiin iyadoo ay sidaas tahay, ayaa hadana dhinaca kale Madaxwaynuhu wuxu ku guulaystay inuu iska fogeeyo tiro badan oo SNM tii ka mid ahaa, oo dad badani aanay khayr badan ka filaynin. Wuxu muujiyay inay muhiim tahay bal in la yareeyo dadkii horey midida daabkeeda u soo hayn jiray, kuwaas oo imikana aaminsanaa inaan sinaba looga maarmi Karin, waxaanu taas bedelkeeda keenay dhiig cusub. Wuxu markii ugu horaysay xukuumada ku soo daray wadaadada dambe ee dhalinyarada ah oo uu u dhiibay booskii culimadii hore ee suufiyada u xidhnaan jiray. Astaamahaasi waa kuwo faaiido badan u yeelan kara xukuumada cusub
Hadaba, sababaha ugu muhiimsan uguna mudan ee beeluhu ay ugu xiiqsanyihiin ka dhex muuqashada golaha wasiirada maxay tahay? Waxa la odhan karaa badiyaa waa laba arimood, tan hore waa cadaalad darida mudada dheer soo jirtay oo dadku ay qabaan hadii wiilal badani meesha u joogaan inay manaafacad u keeni karaan, cadkooda iyo kan dadka kaelna u soo boobi karaan. Qodobka kalena waa inay beel kastaa u aragto in miisaan iyo qadarinba loo yeelay ama loo yeeli waayay hadii wasiiro badan laga siiyo ama laga siin waayo golaha xukuumada. Si kastaba ha noqotee, dadka waxa deeqaa maaha wasaarado badan ee waa wax qabad dhab ah iyo cadaalad, waxaana loo baahanyahay in dadka xaqiiqadaas la baro hadii aanay aqoonin.
Dad badan oon qudhaydu ka mid ahay baa aaminsan in Madaxwayne Siilaanyo uu haystay walina haysto fursad uu hab-dhaqanka bulshada ee noocaas ah ee liita ku dumiyo, dadkana ku dabiibo. Hogaamiyaha wax dabiibayaa dhaqankiisa waxa ka mid ah inaanu habranin, inaanu kursi eexayn, inaanu hebel baa xanaaqi ku fikirin, inaanu xilka ayaa mar dambe laguu dooran waayi ku xisaabtamin, inuu dacar haday ka qadhaadhahay liqo, dadkana liqsiiyo dantooda. Waa sidaas habka qudha ee miyi iyo magaaloba looga mashxaradi karo magaciisuna ku waari karaa.
Arinta muhiimka ahi waxay tahay iyadoo aan lagu mashquulin sawirada ka soo baxaaya dhismaha xukuumada cusub wakhti badana la iskaga luminin in indhaha lagu hayo bal sida ay u gutaan waajibaadkii loo igmaday. Waxan aad u qabaa inay xukuumada cusubi haysato karti iyo wakhti munaasib ah oo ay ku muujiso waxa ay doonayso inay qabato. Ilaahay ha garab galo.
Maxamed Yare Haaruun (Maxamed-indhoole)
Email: mbiixi@gmail.com
Related News
- Xisbiga UCID oo si weyn u Canbaareeyey Muddo Kordhinta ay Kordhisteen Golaha Gurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland : 7 Sep 2010 - 18:42
- Mushaharka uu Qaato Madaxweyne Silaanyo & Ku Xigeenkiisa - Mushaharkii uu Qaadan jirey Madaxweynahii hore & Ku Xigeenkiisii : 7 Sep 2010 - 18:35
- Ciidamada Sheekh Shariif oo Maanta Wadada Marta Madaxtooyada Xidhay kadib markii aan Mushaharkoodii la siin : 7 Sep 2010 - 18:08
- Dagaaladii Muqdisho ka dhacay Labadii Todobaad oo ay ku dhinteen dad gaaraya 230 qof : 7 Sep 2010 - 17:48
- Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada Somaliland oo Mudadii isku kordhiyey : 7 Sep 2010 - 17:21
- Golaha Guurtida oo laga hor akhriyay qoraal uu Madaxweynuhu kaga dalbanayo inay muddada ku kordhistaan iyaga iyo Wakiiladu : 6 Sep 2010 - 19:56
- Marwada Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Xadhiga ka Jartey Dhisme Cusub : 6 Sep 2010 - 19:47
- TACSI: GEERIDA MARXUUM AXMED NUUR JAAMAC : 5 Sep 2010 - 20:09
- Hambalyo Aroos: Boqor Jaamac Xuseen Yalaxle & Boqorada Caasha Axmed Jamac oo arooskodu kadhacay magaalada Burco : 5 Sep 2010 - 20:05
- Dallada Dhalinyarada SONYO oo Maanta Sameeyey Hawlgalo ku Dayasho Mudan oo Dadweynaha Hargeysa ay soo dhaweeyeen : 5 Sep 2010 - 19:22
















Post new comment