Gobolada Sanaag iyo Sool oo Diidan Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland

Text Size

Toronto, (sli) - Gobolada Sanaag iyo Sool oo ka dayriyey Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirkan oo ah Wasiir kasoo jeeda Gobolada Sanaag ayaa markii uu madaxweynaha u magacaabey Wasiirka Gaashaandhiga ay Mas’uuliyiintii Deegaankaa ka dayriyeen, iyagoon fursad siin.

Sida Wararku inagu soo gaadhayo waxaa durbadiiba goostay Ciidamada Qaranka ee gobolka Sanaag oo xalay fiidkii ka goostay ciidanka, kuwaasoo u baxsaday dhinaca Puntland.

Ciidankan ayaa tiradooda lagu sheegay 40 Askari kuwaasoo watay gaadiid ka kooban Afar Baabuur oo ay qoryo saaran yihiin iyo Baabuur nooca loo yaqaan waaraadka ee ciidanku raaco.

Goosashada Ciidamada ayaa ka danbeysay kadib markii uu madaxweynaha cusub ee Somaliland Ahmed Moxamed Maxamuud Silaanyo uu ku dhawaaqay golihiisa wasiirada, isla markaana wasiirka gaashaan dhigga u magacaabey.

Wasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland Axmed Xaaji Cali CadamiWasiirka Gaashaandhiga Cusub ee Somaliland Axmed Xaaji Cali CadamiSu’aashu waxey tahey Wasiirka Gaashaan dhiga Kaalin intee la'eg ayuu ku soo dabaali doonaa kala danbeyntii Mas’uuliyiinta Sanaag, iyo sugida amaanka oo dadka reer Sool ay u bukaan iyadoo ay hareero socdaan dad isiro ku qadhaabta oo dano u gaar ah wata.

Hadaba akhristow Muxuu yahey Wasiir Axmed Xaaji Cali Cadami? Maxaa u dajisan inuu kor u sii qaado Ciidamada Somaliland si uu u kasbado Quluubta Saraakiisha, Dadweynaha, iyo Mas’uuliyiinta Saluugsan.

Su’aashaa waxaan u daynanaa indheer garadka si fiican u yaqaana Wasiirka Gaashaandhiga, Waxaanan idin ka codsanaynaan haddanu nahey shabakada Somaliland info in aad inoo soo gudbisaan Nolol Taariikheedkiisii.

Somalilandinfo.com

Post new comment